Waad ogtahay sidey u adag-tahay inaad ahaato mid dagan, isku-kalsoon oo xakamayn kara dareenkiisa, markaad jeclaato gabadha.
Markaad rabto inaad xiiso ku abuurto gabadh aad jeceshahay,
waa hawl shaqo u baahan, laakin waxaa kasii hawl-badan in xiisihi aad gabadha
ku beertay uu noqdo mid joogta ah.
Hadii qodobada aan kula wadaagi doono aad raacdo, waxaan
rajaynayaa in gabadhu ku xiisayn doonto markasta i.a.
Laakin marka hore, inta aan kuu sheegin sida gabadha loogu
beero xiiso joogta ah, aan kuu sheego noocyada wiilasha ee ay gabdhuhu jecel
yihiin.
Sidoo kale
akhri :- faa’idooyinka ay leedahay askaabulanimada.
Waa kuwan sifooyinka uu leeyahay wiilka dumarku jecel yihiin
1- Gabadhu waxay rabtaa wiil wanaagsan
Midka daciifkaa, jilicsan, khaa’inkaa maaha nooca wiilka ay
rabto gabadhu, waxay jeceshahay midka wanaagsan ee aan ahayn maskiinka.
Ninka wanaagsan waa mid edeb-badan leh, go’aan leh, naxariis
badan oo awoodna leh.
Dumarku ma raadiyaan wiil dhamaystiran, kaasoo siinaya gabadha
waxkasta oo ay uga baahato, laakin dumarku waxay raadiyaan oo ay aad u ixtiraamaan,
ragga akhlaaqda leh, waana waxyaabaha dumarka damaca iyo xiisaha badan ku
beera.
Sidoo kale
akhri :- calaamado muujinaya inuuna ku xiisaynaynin wiilka aadsheekaysataan.
2- Wiilka u muujiya jacaylkiia
Raggu waxay muujiyaan oo ay dumarka u soo bandhigaan shaqada
iyo waxyaabaha ay qabtaan, halka ay xooga saari lahaayeen in dareenka gabadha
soo-jiitaan.
Waa xaqiiqo waxaad qabato iyo sida aad u qabato, iney
dareenka gabadha saamayso, laakin maaha wax kugu filan si-aad dareen jacayl ugu
abuurto gabadha.
Dumarka waxaa saameeya oo soo-jiita, sidey kuu aragto, waxay
dareemayso markay kula joogto, iyo sidey nafteeda u aragto markaad agteeda
joogto.
Inaad u muujiso dareenka iyo jacaylka aad u qabto gabadha,
waxay ku dhalisaa dareen jacayl oo cajiib ah, kaasoo keenaya iney ku xiisayso.
Sidoo kale
akhri :- hadey naag block ku saarto sidan uga aarso.
3- Inaad hogaamiso xidhiidhkiina
Dumarku ma-jecla iney xukumaan ragu, waana waxa keena inuu
noqdo xidhiidhku midaan waarin wakhti dheer, sidoo kale dumarku ma-jecla ninka
aan wax hogaamin Karin.
Hogaamintu waxay keentaa inaad ka adkaato dareenkaada, iyo
inaad xooga saarto inaad si-cad, caqli-gal ah oo macquula wax u qiimayso.
Hogaaminta xidhiidhku, waa inaad qorshe iyo hadaf u yeesho,
sida iney jirto xilli aad ku ballanteen guur iyo iaad midawdaan, waa iney kuu cadahay
ujeedada xidhiidhkiina iyo noocuu noqonayo.
Sidoo kale
akhri :- ninka maxaa lagu doortaa, muhiim inaad ogaato.
4- Inaad siiso mudnaan gaara
Dumarku aad ayey u xiiseeyaan wiilka siiya mudnaanta koowaad,
markaad gabadha tusto iney qiimo sare ka-leedahay agtaada, waxay dareentaa
xiiso iyo iney kuu jeclaato si-dhab ah.
Ninku waa inuu gabadha siisaa mudnaan gaar ah, laakin kaligeed
maaha wuxuu siinaya mudnaanta, sidoo kale naftiisa iyo ehelkiisa.
Sidoo kale
akhri :- maxaad uga xishootaa inaad la-hadasho naagaha.
Tallaabooyinka gabadha loogu abuuro xiisaha badan
1- Xiiso dhab-ah tus
Gabadhu waxay rabtaa iney dareento in la-jecel yahay, inaad
dareensiiso jacayl gabadha maaha inaad amaanto, ee waxay rabtaa inaad noqoto
qof u dhaw, fahmaya xaaladeeda, kuna qanacsan jidhkeeda.
Rag badan ayaa mooda qaabka ugu wanaagsan ee gabadh xiiso
loogu abuuro, iney tahay inaad tusto xiiso badan.
Mararka qaar waa sax inaad tusto, laakin markaad rabto iney
gabadhu ku xiisayso, waa inaad noqotaa qof u dhaw oo fahmaya, halki aad tusi
lahayd inaad xiisayso.
Sidoo kale
akhri :- sababaha keena iney burburaan xidhiidhada badanaa.
2- La-ciyaar dareenkeeda jacaylka
Xilliga xidhiidhka, waa inaad noqotaa qof dagan oo
isku-kalsoon, markay gabadhu gaabiso, ama uu yaraado xiisihi xidhiidhkiina, xaaladan
oo kale raga qaar, ayaa u dhaqma qaab aan xiiso lahayn.
Wuxuu billaabaa inuu xakamayn waayo dareenkiisa, kadibna
wuxuu gabadhi ku wareeriyaa wicitaan iyo farriimo badan, waana arrin keeni
karta inuu xumaado ama burburo xidhiidhkiina.
Waana sababta ay muhiimka u tahay inaad barato sida loola
ciyaaro dareenka jacaylka ee gabadha.
Gabadha markay kuu xiisto tus, xiiso naxariis iyo jacayl,
markay gaabisana sii wakhti, adigoon daba-cararaynin una muujinaynin jacayl
markast.
Markaad qofka u jeclaato hab uu dareemayo xorriyad, badanka
qofkaas wuxuu dooran doonaa inuu kula joogo, sidaas darteed hadaad rabto iney
gabadhu ku xiisayso, u ogolow iney ku doorato, kadibna u muuji jacayl iyo
naxariis markay mudan tahay.
Sidoo kale
akhri :- maa qasabaa in wiilku bixiyo lacagta shukaansiga.
Gabo-gabo
Hadii aad rabto inuu noqdo xidhiidhkiina mid waara
wakhti-dheer, u samee gabadha waxaad u samayn-jirtay marki ugu horreysay ee aad
is-barateen, waana habka ugu wanaagsan ee gabadh xiiso joogto ah loogu abuuro.
Sidoo kale marna naftaada been haka sheegin, hana iska-dhigin
qof aadan ahayn, si aad gabadhaas xiiso ugu abuurto.
Waa laga yaabaa gabadhu ineyna jeclaanin waxaad jeceshahay oo
dhan, ama ineyna kugu raacin waxaad dhahdo, laakin way ku ixtiraami markaad
tahay qof aan naftiisa aan ka-been sheegaynin, waxaadna ogaataa in gabadhu
si-dhab ah kuu jeclaanaynin hadii ayna ku ixtiraamaynin.
Mawduucyada kale laga yaabo inaad ka-hesho.
Go’aano aad ka shallaayi doonto mustaqbalka.
Waa maxay sababta ayna kuu rabin gabadha aad jeceshahay.
Markasta waan daalanahay maxaan sameeyaa.
Ninkayga ma-shaqeeyo anigaa biila, maxaa xal ah.
Maxay u adag tahay inaad hesho naag aad shukaansato.
Ragu maxay beenta u sheegaan xilliga shukaansiga.
👉La-wadaag asxaabtaada,mahadsanid.
Dhammaad.
0 Comments